Duqeymo xooggan oo ka dhacay deegaanno lagu tuhmayo inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish xili saacadihii la soo dhaafay lagu bartilmaameedsaday dhowr deegaan oo buuraha Calmiskaad ah, hadane Puntand ayaa bogaadisay duqeymmo cirka ah Militariga Mareykanka fuliyey.
Duqeymaha oo soo bilowday habeen hore, socdayna ilaa galinkii hore ee maanta ayaa ka dhacay deegaanka Shebaab ee buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lala beegsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidamada Puntland.
“Puntland, oo kaashanaysa xulafadeeda caalamiga ah, waxaa ka go’an in ay meesha ka saarto joogitaanka iyo khatarta Daacish ee gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Sidoo kale, Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen Daacish, kuwaas oo sida la sheegay isaga cararay saacadihii la soo dhaafay kaddib markii khasaare baaxad leh loogu geystay duqeymo ay wadajir u sameeyeen ciidamada Puntland, dowladdaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta oo taageeraya howlgalka ka dhanka ah kooxda.
Goobaha ay ciidamadu ka qabsadeen Daacish ayaa lagu sheegay inay uu ka mid yahay Taliskii kooxda ee Daray-Madoobe, kaas oo muhiimad weyn u lahaa Difaaca adag oo ay horrey u diyaarsadeen, balse ay isaga carareen kaddib markii ay ku dhawaadeen Ciidamada Puntland.
HBN ONLINE TV