Duqeymo iyo dagaallo ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo lagu dilay xubno oo Alshabaab ah

Dowladda Somaaliya oo war ay ka soo saartay dagaallo iyo Duqeymo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegtay in lagu dilay in ka badan 70 ka mid ah Alshabaab oo ay ku jiraan horjogayaal, ka dib markii la beegsaday xubno weeraro ku qaaday fariisimo ay ku sugnayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

War-saxafadeed ay soo saartay dowladda soomaliya ayaa lagu sheegay in la dilay xubnahaan, ka dib weeraro ka kala dhacay deeganka Cadow-guray oo hoosta degmada Buula-burde ee gobolka Hiraan, Ceel Cali Axmad iyo Alkowsar oo Shabeelaha Dhexe ah. Dowlada Soomaaliya oo guullo ka sheegatay ayaa carrabowday in lagu jabiyay sida hadalka loo dhigay xubnihii Weraradaas soo qaaday.

Bayaanka dowladda ayaa lagu yiri “Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen howlgallada meydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal”.

Sidoo kale, Hay’adda NISA oo soo saartay bayaanka kale ayaa sheegtay in Duqeymo is xigxigay oo ay ku fulisay Daaru-Nicma iyo Alkowsar oo gobolka Shabeellaha Dhexe in lagu dilay horjoogayaal iyo xubno kale oo Alshabaab.

Maalmihii la soo dhaafay degaanada Hirshabeelle waxaa ka dhacayey dagaallo culus oo u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya deegaanka oo hubeysan, kuwaas oo dagaalo culus kula galay degaanmo badaan.

Kooxda ayaa la sheegay inay culeys xoog leh saareen Gobolka Shabeelaha Dhexe oo wareeraro ku qaadeen Deegaanada Ceel Cali Axmad, Alkowsar, Daar-nimco iyo Ceel baraf, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo Macawisleyda deegaanka.

Milatariga Soomaaliya ayaa guullo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, iyadoo dowladda soomaaliya ay soo bandhigtay gaadiid dagaal oo gubtay oo ay wateen Alshabaab. Madaxwaynaha Hirshabeele Cali Guudlawe Xuseen ayaa ku goodiyey in kooxda aan loo ogolaan doonin inay qabsadaan deegaanadii gacantooda laga saaray.

Lamaha sheegin tirada Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku dhintay weeraradii iyo dagaalkii xigay ee maanta ka dhacay  goobihii lagu dagaalamay ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed