Sida warbixin dhowaan la baahiyay shaacisay, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee weerarro uga fuliso meel ka baxsan dalkeeda ay tahay is-difaac, iyada oo yaraynaysa khatarta weerarro waxay ugu yeerto argagixiso oo ka dhaca dhulkiisa, taasoo sabab u ah tallaabooyinka militari ee uu ka qaadayo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Fox News, Taliyaha Ku-xigeenka Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, Sarreyneeye Guuto John Brennan, ayaa sheegay in argagixisadu inta badan xiriir la leeyihiin kooxaha ISIS iyo al-Qaaciida. “Waxaa jira khataro ay dhiirrigelisay ISIS. Waxay maleegaan weerarro ka dhan ah dhulka Maraykanka iyo sidoo kale Yurub. Taasi waa halka ay khatartu ka timaaddo,” ayuu yiri intii lagu jiray wareysiga.
Wuxuu kale oo uu sheegay in weerarradu noqon karaan kuwo gudaha ah. “Muwaadiniin Maraykan ah ayaa lagu qortaa baraha bulshada si ay falal xun uga fuliyaan gudaha Maraykanka. Sidoo kale waxaa jira unugyo ay hoggaaminayso ISIS ama ay maalgeliso oo awood u leh weerarro waaweyn. Tan iyo 11-kii Sebtembar, waxaan joojinay weerarro badan oo noocaas ah, taasoo sabab u ah waxa aan ka sameyno dibadda, annagoo ciyaarayna ‘ciyaarta bannaanka’,” ayuu yiri.
Wuxuu intaasi ku daray, “Marka aad siiso urur argagixiso sida ISIS waqti iyo meel ay ku qorsheeyaan weerarro, weerarradaas way dhici karaan, laakiin haddii ay ku jiraan baxsad joogto ah oo ay ka walwalayaan badbaadadooda, ma noqon karaan kuwo si hufan u qorsheeya weerarro.”
Si loo yareeyo amni-darrada ka jirta Bariga Afrika, wuxuu tilmaamay in Maraykanka oo adeegsanaya Taliska Ciidamada Afrika ee AFRICOM uu iskaashi la sameeyey dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbo caalami ah, iyagoo fuliyay 124 duqeyn cirka ah oo ka dhan ah ISIS-Soomaaliya iyo Alshabaab sannadkii hore oo keliya.
Sida ay sheegtay Fox News, bishii ugu horreysay ee sanadkan 2026 oo keliya waxaa la diiwaangeliyay 26 weerar, taasoo aad uga badan 10-kii weerar ee la diiwaangeliyay sannadkii 2024 oo dhan.
HBN ONLINE TV

