Duqa Muqdisho oo ku baaqay in la kordhiyo ammaanka degmooyin ku yaal gobolka Banaadir

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa Maamulka iyo Shacabka Degmada Shangaani ugu baaqay inay xoojiyaan ammaanka, gaar ahaan in meel looga soo wada jeesto arrimaha lidka ku ah ammaanka, Madaale ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay wadashaqeynta maamulada iyo bulshada si loo xoojiyo dadaalada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka uu ku tagay degmooyinka gobolka Banaadir waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qiimeyn lagu sameeyo, lana horumariyo xasiloonida iyo kala dambeynta. Waxa uu carabka ku adkeeyay in talaabooyinka wax ku oolka ah ee amniga ay ku tiirsan yihiin wadashaqeyn dhow oo dhex marta hay’adaha amniga iyo muwaadiniinta feejigan oo bixin kara xogta muhiimka ah si looga hortago falalka lidiga ku ah xasiloonida.

Baaqa ku aaddan xoojinta amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan looga hadlayay amniga, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka ayaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka waxaa la faray inay muhiimad gaar ah siiyaan sidii amniga loo hagaajin lahaa, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed