Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amarro iyo habraacyo cusub oo adag oo lagu nidaaminayo jeexitaanka laamiyada iyo marshabiyeedyada magaalada Muqdisho, kaddib markii burbur xooggan uu ka dhashay laamiyo hore loo jaray.
Tallaabadan ayaa si gaar ah loogu jeediyay shirkadaha bixiya adeegyada korontada, isgaarsiinta iyo internet-ka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si aan nidaam lahayn u jaraan wadooyinka si ay ugu dhex mariyaan xargaha iyo tuubooyinka adeegyada.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar ayaa sheegay in awaamiirtan ay qayb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo wadooyinka iyo nidaamka biyo-mareenada, si looga hortago dayac iyo burbur cusub oo dhaca kadib marka laamiyada la jeexo.
“Waxaa si buuxda mamnuuc u ah in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay jeexaan laamiyada iyo marshabiyeedyada, iyada oo aan fasax rasmi ah laga haysan duqa magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Saalax, isagoo intaa ku daray in shirkad kasta oo fasax u baahan ay si toos ah ula soo xiriirto maamulka gobolka.
Maamulka ayaa sidoo kale shirkadaha ku dhiirrigeliyay inay qadadka iyo tuubooyinka marsadaan inta lagu guda jiro dhismaha laamiyada cusub, halkii ay dib dambe u jeexi lahaayeen.
Waxaa lagu eedeeyay shirkado qaar inay shaqooyin aan qorshe lahayn sababeen dayac baahsan iyo burbur hor leh, iyadoo qaar ka mid ah wadooyinka la jaray ay biyaha roobka qaadeen ama ay maristoodu adkaatay.
HBN ONLINE TV