Maanta oo kale 3-da May waxaa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo diiradda lagu saaro muhiimadda xorriyadda hadalka, madaxbannaanida warbaahinta iyo caqabadaha ay la kulmaan saxafiyiinta caalamka.
Maalintan ayaa lagu xasuustaa doorka warbaahintu ku leedahay bulshada, iyadoo sidoo kale lagu muujiyo dhibaatooyinka iyo halista ay wajahaan wariyeyaasha iyo dadka u ololeeya xorriyadda hadalka, waxaana si rasmi ah u ansixiyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sannadkii 1993-kii, kaddib soo jeedin ay UNESCO gudbisay, si loo xoojiyo xorriyadda warbaahinta iyo madaxbannaanida hadalka caalamka.
Soomaaliya gudaheeda, warbaahinta madaxa bannaan ayaa si weyn u kobacday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, inkastoo ay jiraan cabashooyin la xiriira caburin hadal, xarigyo iyo caqabado kale oo soo wajaha saxafiyiinta.
Dhanka kale, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii December 2015 ansixiyey sharciga saxaafadda dalka, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay 9-kii Janaayo 2016, taas oo dhaqan gelisay sharciga warbaahinta Soomaaliya.
Munaasabadda sanadkan 2026 awgeed, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa hambalyo u diray saxafiyiinta dalka, isagoo ammaanay doorka warbaahintu ka qaadato dowlad-dhiska, wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta xogta dadweynaha, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta iyo horumarinta jawi ay si xor ah ugu shaqeyn karaan.
HBN ONLINE TV

