Dowladdaha UK oo shaacisay inay baabi’isay deymihii taariikhiga ahay ee ay ku laheed Soomaaliya

UK ayaa ku dhawaaqday in 100% ay kansashay deymihii taariikhiga ahaa ee ay ku laheed Soomaaliya, isla markaana la dhammeystiray hindisahaan, sida lagu daabacay bogga Safaaradda Ingiriiska es magaalada Muqdisho.

Sidoo kale UK ayaa sheegtay in maalgelin ku sameyneyso Soomaaliya, kana qeyb qaadaneyso kobcinra dhaqaalaha Soomaaliya, si loo gaaro isku filnaasho iyo kor u qaadida dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxaan maanta u xaqiijiyey wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige, in UK ay kansashay 100% deymihii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya lagu lahaa, iyadoo Soomaaliya looga cafinayo deymaha lagu leeyahay, waxaa naga go’an inaan gacan ka geysanno soo jiidashada maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Safiir ku xigeenka dowladda UK ee Soomaaliya, Amabasadoor Sam Thomas.

Arrintaan ayaa soo beegmeyso, iyada oo Soomaaliya ay horay guul taariikhi ah kaga gaartay cafinta Balaayiin dollar oo deyn ah, taasoo waddamada caalamku ay ku lahaayeen.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed