Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa maanta ku qaabilay magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Almowallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal oo ay ku jiraan dhanka amniga
Sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga, kulanka ayaa lagu tilmaamay “wadahadallo miro-dhal ah”, iyadoo diiradda la saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga iyo horumarka ee ka jira Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
“Waxaan qabannay kulan wax ku ool ah oo aan kaga wada hadalnay fursadaha iskaashiga ee ku saabsan amniga iyo horumarka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka soo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa yimid kaddib markii labada safiir ay si wadajir ah uga qeybgaleen munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo ka dhacday Laascaanood, dhacdo si weyn loogu fasiray inay qeyb ka tahay tallaabada diblomaasiyadeed ee Muqdisho kaga falcelinayso aqoonsigii Israa’iil ay siisay Somaliland.
HBN ONLINE TV

