Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Azerbaijan Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis u dhaxeeya iskaashiga labada dowladood oodhanka Difaaca iyo Warshadaha ah.
Heshiiska dhexmaray Wasaaradaha gaashaandhigga ee labada dowladood ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Azerbijaan Ilham Aliyev.
Sidoo kale, Heshiiska dhanka difaaca iyo amniga ah ayaa lagu sheegay in dowladuhu ku heshiiyeen la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, iyagoo carrabaabay in la isku afgartay arintaasi.
“Labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta Hay’adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga” ayaa lagu yiri warka.
Heshiiska dhexmaray Wasaaradaha ee labada dowladood ayaa imaanaya, xilli maalintii shalay wufuud uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid wasiiradaha Gaashaandhigga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo casuumaad ka helay dhiggiisa Dalkaasi.
HBN ONLINE TV