Dowladda Uganda oo heshiis la saxiixatay dowladda Imaaraadka Carabta haddaba maxuu yahay hishiiskaas?

Uganda ayaa heshiis la saxiixatay urur ganacsi oo ka socda Imaaraadka Carabta si loo dhiso garoon cusub oo caalami ah, xafiiska madaxweynaha Yoweri Museveni ayaa sidaas sheegay. Heshiiska madaarka saddexaad ee dalkaas ayaa la ballaarinaya marka la eego  raadadka dhaqaale ee Imaaraadka Carabta oo ka baxsan danaha uu ka leeyahay tamarta la cusboonaysiin karo iyo warshadaha saliidda iyo gaasta.

Gegida diyaaradaha ee ugu weyn waa Entebbe, oo ku taal xeebta waqooyi ee harada Victoria, ee bartamaha Uganda. Garoonka caalamiga ah ee Kabalega oo ku yaala degmada Hoima ee qaniga ku ah saliida ee galbeedka Uganda ayaa dhismahiisu socdaa.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Imaaraatka Carabta ee Sharjah ayaa ka dhisi doonta garoonka meel ka baxsan Beerta Qaranka ee Kidepo ee waqooyi bari ee u dhow xadka Uganda ay la wadaagto Kenya, xafiiska Museveni ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, iyadoo aan la bixin  faah faahin dheeraad ah.

Dhismuhu wuxuu bilaabmi doonaa bisha Agoosto, ayuu yiri Abdallah Sultan Al Owais, gudoomiyaha ururka ganacsiga ee Sharjah.

Kenya iyo UAE oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale
Garoonku wuxuu kor u qaadi doonaa dalxiiska isagoo soo jiidanaya dadka soo booqda beerta Kidepo oo dhan 1,442 sq-km oo caan ku ah libaaxyada, geriga,  iyo ugaar kale oo waaweyn.

“Heshiisku wuxuu calaamad u ahaa xiriirka qoto dheer ee aan la leenahay saaxiibada Khaliijka iyo fursad kale oo ah in la iska kaashado maalgashiga iyo ganacsiga”, Museveni, oo goobjoog ka ahaa saxiixa, ayaa ku yiri barta X.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed