Dowladda Turkiga oo war cusub ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee degamda Ceeldheer ku dhexmaray ciidamada dowladda & Al shabaab

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay weerarkii shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud ee hoos taga maamulka Galmudug.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkii argagixiso ee bahalnimada ahaa, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, waxaan tacsi u direynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen iyo dowladda Soomaaliya, waxaana u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay” ayey tiri dowladda Turkiga.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay heleen xogo hor leh oo ku saabsan weerarkaas, islamarkaana ay iska caabiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa lagu dilay 47-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, waxana ku dhintay 5 askari.

Iska horimaadkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dagaalyahanada deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ee ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer. Waxaa xusid mudan in Turkiga uu yahay saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waxaana labada dal ay sanadkan kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhistay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed