Dowladda Turkiga oo Itoobiya ugu baaqday inaysan aqoonsan Somaliland

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo maanta socdaal ku tagay dalka Itoobiya ayaa xukuuamdda dalkaasi ugu baaqay inaysan aqoonsan Somaliland, isaga oo ka digay in tallaabadaasi aanay wax faa’iido ah u keenayn Addis Ababa, balse ay adkayn karto xasilloonida gobolka.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, madaxweyne Erdoğan wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan wax dan ah u ahayn Itoobiya, isla markaana uu keeni karo dhibaatooyin hor leh oo saameeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, sida uu yiri.

Madaxweynaha Turkiga ayaa carrabka ku adkeeyay in ka hortagga aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland uu noqday mudnaanta 1-aad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara. Waxa uu xusay in Turkigu si firfircoon ugu lug leeyahay dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana lagu yareynayo xiisadaha ka taagan gobolka.

Hadallada Erdoğan ayaa imanaya xilli uu jiro dood goboleed oo sii xoogaysanaysa oo ku saabsan mustaqbalka iyo xaaladda Somaliland, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Itoobiya ay ka fiirsanayso tallaabooyin dhanka aqoonsiga ah, arrintaas oo ay si cad uga soo horjeedaan Soomaaliya iyo dalal kale oo xulufo la ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed