Dowladda Soomaaliya Xabsiga dhigtay dad diiday canshuurta boqolkiiba shan

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay dad diiday bixinta Canshuurta ay soo ragtay bartamaha bishii hore ee Agoosta, iyada oo intaa ku dartay in ay la socoto dad kale oo diidan oo ay ku raad joogto sida hadalka ay u dhigtay.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay dad badan la xiray ka dib markii ay diideen canshuurta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay si dhaw ula socoto dadka diida canshuurta, isla markaasna ay qaaday tillaabooyin.

“Dad baa hadda xiran, sunaha nolosha waaye in dad ay canshuurta ka dhuuntaan, dowladdana waa in ay daba socotaa, ciidamada booliiska ayaa leh fulinta iyo soo qabashada dadka diida canshuurta, dad baa hadda u xiran, kuwan waxaa ay ka soo hor muuqan doonaan Maxkamadda” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda ay qiimeyn gaar ah siin doonto dadka bixiya canshuurta, isaga oo hadalkiisu uu ku soo aaday xilli uu fulay go’aanka dowladda ee la xiriira canshuurta iibka ee shan boqolkiiba.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed