Dowladda Soomaaliya soo saartay digniin ku aadan Badda

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku wajahan kalluumeysatada iyo dhammaan dadka dabaasha u taga Badda, xili saacadihii la soo dhaafay dhowr ruux qaaday Baddu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilligan badda kacsan tahay, taasoo khatar ku noqon karta kalluumeysatada iyo dadka una nasiino taga.

Wasaaraddu waxay si gaar ah uga digtay in doonyaha yaryar aysan gelin badda muddadan ay kacsan tahay.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaa xeebaha sida dabaasha ama socodka agagaarka xeebaha, si looga hortago khatarta mowjadaha xooggan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa xaaladda Badda ku tilmaamtay jiidmaal halis gelin karta doonyaha kalluumeysatada iyo shacabka.

Hadalka Wasaaradda ayaa ku soo aadaya xilli tiro dhalinyarro ah lagu la’yahay badda, kuwaasi oo markii u dambeysay u dabaal tagey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho todobaadkii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed