Dowladda Soomaaliya oo xukun adag ku riday haweeney lagu helay maalgelinta Alshabaab & digniin soo baxday

Maxkamadda maamulka Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday haweenay magaceeda lagu sheegay Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo horay uu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus oo la xiriirta maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada iyo dhaqaalaha sharci darrada ah.

Maxkamaddu waxay Nadiifo ku xukuntay 15 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20-kun oo doollar, iyadoo sidoo kale amartay in la baabi’iyo dhammaan akoonadeeda, hanti walbana lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay 15 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, in la baabi’iyo akoonkeeda iyo hantida ku jirta, laguna wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay garsoorka.

Sidoo kale, Baaritaannada lagu sameeyay ayaa muujiyay in Nadiifo ay akoonkeeda marsiisay lacag gaareysa $1,237,010, taas oo lala xiriiriyay maalgelinta iyo taageeridda kooxda Alshabaab, sida ku xusan go’aanka soo baxay xeel ilaalinta Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku celiyay go’aankiisa ku aaddan la dagaallanka maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada, isagoo sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocan ah la horgeyn doono cadaaladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed