Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in muuqaal Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM oo ay burburinaya laba baabuur oo qaraxyo lagu soo raray, kuwaas oo ay kooxdu ku doonaysay sida hadalka loo dhigay inay weerarro ismiidaamin ah ku fuliyaan.
War saxaafadeedak Wasaaradda ayaa lagu carrabaabay in Ciidanka ay si feejigan uga hortageen weerarkaas, waxaana labada baabuur la burburiyey ka hor inta aysan waxyeello geysan sida ay muujinayaan muuqaallo sheeda sare laga duubay ama Drones.
Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintani muujineyso feejignaanta iyo kartida ciidanka, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada dalka looga ciribtirayo Alsabaab.
Dagaalka ka socda deegaanka Bariire ayaa ku fiday goobo badan oo ka ag dhow. Shalay dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegay in khasaare badan la gaarsiiyey kooxda, inkasta oo aanay tiro sax ah sheegin, ayna soo bandhigin cadeymo dheeraad ah.
Howlagalka AUSSOM oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 xubnood oo Alshabaab, iyada oo qaar badane ay soo gaareen dhaawacyo culus.
HBN ONLINE TV