Dowladda Soomaaliya oo xog dheeraad ah ka bixisay howlgallo & dagaallo Alshabaab looga dilay in badan 10 xubnood oo bartamaha iyo koonfurta ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xog dheeraad ah oo ku saabsan howlgallo qorshaysan iyo dagaallo ka kala dhacay bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab.

Ciidamada Macawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Sida war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya lagu xaqiijiyey, howlgalkaas waxaa lagu dilay 6 xubnood, iyadoo sidoo kale la soo qabtay afar qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo ay kooxdu ku dhibaateyn jirtay sida hadalka loo dhigay shacabka deegaanka.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ayaa la sheegay inay fashiliyeen weerar ay Alshabaab ka soo abaabuleen deegaanka Dabagalo, oo 35 KM Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay xaqiijiyeen inay burburiyeen qorshaha weerarka, kaas oo kooxdu ay ku doonayeen sida warka lagu xusay inay ku carqaladeeyaan nabadgalyada deegaanka.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay wadada isku xirta Garasweyne iyo Moragabey, oo 37 KM galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa lagu dilay 5 xubnood oo kale oo ka tirsan Alshabaab. Bayaanka wasaaradda ayaa tilmaamay in dadkaasi ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, iyadoo ciidanku gacanta ku dhigeen laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada horjoogayaasha howlgalada lagu dilay, kuwaas oo kala ah:
Ibraahim Caliyow Maxamed Macallin
Aadan Maxamed Same
Cabdullaahi Aadan Dheere

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada Macawisleyda iyo CXD, iyagoo xusay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaan buuxa iyo xasillooni waarta oo ay ku naaloodaan shacabka Soomaaliyeed.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed