Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May 2025 si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo furay garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in garoonka horey loogu xiray sababo amni dartood, ka dib markii diyaarad rayid ah oo ku wajahneyd Muqdisho ay si aan sharci ahayn uga degtay magaalada Kismaayo, taasoo keentay in la joojiyo duulimaadyada garoonka Doolow ee gobolka Gedo.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in iyadoo laga duulayo baahida shacabka ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan tixgelinta safarrada maalmaha barakaysan ee Xajka, ay muhiim tahay in la helo garoon diyaaradeed oo shaqeynaya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa lagu yiri in la jabiyay amarka dowladda, lana xiray garoonkaasi.“Garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow wuxuu horay u xirnaa sababo la xiriira amniga, gaar ahaan kaddib markii 23-12-2024, diyaaradda Halla Airlines ee leh summadda 60-AAB oo ka duushay Muqdisho kuna socotay Kismaayo si qasab ah uga degatay garoonka Doolowm iyadoo aan la waafajin sharciga duulista hawada ee Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka degmada Doolow, isagoo kaashanaya laamaha amniga gobolka, ay ballan qaadeen inay si wadajir ah u ilaalin doonaan ammaanka, ayna ka hortagi doonaan wax kasta oo keeni kara khatar ku ah nabadgelyada iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka.
Sidaas darteed, laga bilaabo maanta, garoonka diyaaradaha ee Doolow si rasmi ah ayaa dib loogu furay adeegga shacabka. warqada soo baxday waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), isagoo muujiyey sida ay dowladdu uga go’an tahay in si sharci ah loo maamulo garoomada dalka
HBN ONLINE TV