Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta xaqiijisay in duqeymo cirka ah oo lala beegsaday kooxda Daacish ay ka dhaceen gobolka Buuraha Bari, iyada oo la kaashaneysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay si gaar ah uga dhaceen deegaanno ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish. “Subaxnimadii hore, annaga oo kaashanayna taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, meel ay ku sugnaayeen Daacish. Khasaare ayaa ka dhashay weerarka,” ayaa lagu yiri warka DFS.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ku sheegtay bayaan-keeda in iskaashigan militari uu muujinayo sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ay cirib tirto kooxaha argagixisada. “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada,” ayaa lagu daray.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidanka Puntland ay toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka wadeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxda Daacish.
Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah lagama helin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, balse saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday goobo muhiim u ahaa dhaq-dhaqaaqa kooxdaasi.
HBN ONLINE TV