Dowladda Soomaaliya oo wax ka bedel ku sameysay waqtiga ku safridda Kaarka aqoonsiga

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee mamnuucayay in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan ku safri karin gudaha dalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay in go’aankan, oo horey loo qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda si rasmi ah u dhaqan geli doono seddex bil kadib oo ku aadan 1-da Maarso.

Dib u dhigidda ayaa lagu macneeyay in shacabka Soomaaliyeed la siiyo waqti dheeri ah oo ay ugu diyaargaroobaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mar kale ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan, si ay uga fogaadaan caqabado la xiriira safarrada gudaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed