Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaallo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in ciidamo ka tirsan waxay ugu yeertay “maleeshiyaad” ay gacanta ku dhigeen

Qoraal iyo sawir ay Wasaaraddu soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in ciidamo laga qabsaday kooxo ay ku eedeysay inay ka amar qaataan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed LaftaGareen.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgal ka dhan ah waxa ay ugu yeertay “khawaarijta” ka wadeen duleedka Baydhabo, balse ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

Ciidamada dowladda, oo la sheegay inay ku jireen heegan sare, ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarkaasi, iyagoo iska caabiyay islamarkaana jabiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in qaar ka mid ah maleeshiyaadkaas ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowladda.

Dhanka kale, weli wax war rasmi ah kama soo bixin maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan eedeymaha iyo sheegashada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad dagaal uu taagan yahay magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow, iyadoo maalmihii u dambeeyay la arkayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo hadallo is khilaafsan oo kasoo kala yeerayay dhinacyada is haya.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed