Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billaawday oo Alshababa ay ku qaadeen deegaan hoos yimaada magaalada Aadan Yabaal oo Istraatiiji ah, lagana sugo Amniga magaalada, kaasi oo qasaare kala duwan ay ka dhasheen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka in ay guul ka gaareen weeraro ay Alshabaab ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ugu cuslaa ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed oo ku yaalla duleedka magaalada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, ka dib markii kooxdu weerar qaraxyo ku billaawaday ku qaadeen.

“In ka badan 130 xubnood ayaa laga dilay Alshabaab, dagaallada ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa dhowr jeer isku dayday in ay dagaal ku qabsadaan deegaanka Istaraatiijga ah, balse uma sooragalin, waxaan halkaasi saldhigyo waa wayn ku leh Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

Magaalada Aadan Yabaal oo ku taalla xadka gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ciidmada Dowladda iyo dadka deegaanka la waregeen laba sano ka hor.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed