Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyad ka mid ahaa kooxda Alshabaab.
Sida lagu sheegay warbixintan oo kasoo baxday wasaraadda gaashaandhigga ayaa lagu tilmaamay in ciidanka dowladda ay fashiliyeen weerar ay kooxdaasi ku soo qaadday deegaanka, iyagoo gaarsiiyey jab xooggan iyo khasaare badan, inkasta oo aan si tiro rasmi ah la shaacin.
War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Jabad Godane, islamarkaana uu socdo hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugidda amniga.
“Waxaa hadda socda howlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka” ayaa lagu yiri wasaraadda gaashaandhigga Soomaaliya.
Dhanka kale, bogga Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa lagu baahiyey muuqaal kooban oo lagu soo bandhigay rag indhaha laga xiray, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo gurmad u ahaa dagaalka ka dhacay Jabad Godane. Danab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadkaas, kuwaas oo kusoo wajahnaa goobta dagaalka ee subaxnimadii hore maanta.
HBN ONLINE TV

