Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dadka u safraya Masar

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa ku dhawaaqday in maanta la hakiyey in Masar loogu safri karo oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board). Go’aankan ayaa yimid kadib caqabado ay la kulmeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay u safrayay dalkaasi.

War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliya hadda kadib ay Masar ku geli karaan oo keliya dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso Qunsuliyadda Masar.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay Dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay, sidaas awgeed waxaa lagu wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maajo (May) 2026, in si ku meel gaar ah loo hakiyay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board)” ayaa lagu yiri warka hay’aadda Socdaalka.

Sidoo kale, Hay’adda ayaa ku dooday inay xoojinayso xiriirka socdaalka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo muujisay in labada dal ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta dhinacyada socdaalka iyo adeegyada qunsuliyadeed.

Go’aanka ayaa yimid, kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in rakaab Soomaaliyeed ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Qaahira in ka badan 24 saacadood. Arrintan ayaa la sheegay inay timid kadib caqabado dhanka safarka iyo dukumentiyada socdaalka ah oo soo wajahay qaar kamid ah dadka u safrayay Masar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed