Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay aaska Askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Odoyaasha Dhaqanka ee degmada Moqokori kala hadlay sidii loo aasi lahaa Askartii lagu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha Ciidamada oo khudbad ka jeediyay kulan uu la yeeshay madaxda heybta dadka askarta laga dilay ayaa sheegay in dhacdadii dhacday aan qabiil loo rogin iyo in ciidamada Qaranka furimaha laga soo saarin.

Sida oo kale Taliye Sanbaloolshe ayaa carrabaabay in askarta dhimatay ay arintooda ay ka madax banaantahay mid qabiil, iyada dowlddu balan qaaday in u raadin doonto cadaalad.

“Waxaan qorsheynayna in dhawaan la aaso Meydka Askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf, arrinta dhacdayna waxaa ay u taala Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Odoyaasha Dhaqanka ayaa isku raacay in la aaso Meydadka Askarta lagu dilay Ceel-baraf, isla markaana la aado magaalada Beledweyne oo ay ku suganyihiin Madax dhaqanka iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed