Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Senator Ted Cruz, ka dib markii Senator-ku dhawaan Madaxweynaha Mareykanka ugu baaqay in la aqoonsado Somaliland.
Cali Balcad ayaa intaa ku daray inuu Senatarka kala hadlay arrimaha sugidda amniga, la dagaalanka kooxda Alshabaab, iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, isaga oo uu in Senator Cruz ka mid yahay isla xisbiga Madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Senator Ted Cruz kulankii aan ku wada qaadanay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Geeska Afrika. Taageerada Mareykanka waa mid muhiim u ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab iyo ISIS, isla markaana loo ilaalin lahaa waddooyinka ganacsiga. Aan xoojinno iskaashigeenna si loo helo Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah” ayuu yiri wasiir Balcad.
Senator Ted Cruz, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa 14-kii August 2025 sheegay inuu Madaxweyne Trump u gudbiyay warqad uu kaga dalbanayo aqoonsiga Somaliland, isla markaana ka warbixiyay sababaha ku kallifay go’aankiisaas.
Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan Mareykanka, kuwaas oo ugu baaqay Senator Cruz inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV