Dowladda Soomaaliya oo wada qorshe dib-u-habeyn loogu samaynayo Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe dib-u-habeyn ballaaran loogu samaynayo Ciidanka Xoogga Dalka CXD, kaas oo hadda maraya toddobaadkii labaad, kana socda dhamaan fariisimaha kala duwan ee dalka ku leeyihiin Ciidamada.

Qorshahan ayaa diiradda saaraya in la casriyeeyo nidaamka maamulka iyo kormeerka dhaq-dhaqaaqa ciidamada, iyadoo la adeegsanayo hab cusub oo aqoonsiga casriyeysan.

Dib-u-habeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo joogitaanka saxda ah ee ciidanku ku sugan yihiin xarumahooda. Tani waxay qayb ka tahay sida la sheegay dadaallada dowladda ee lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh, kana jawaabi kara xaaladaha amniga ee dalka.

“Qorshahan dib-u-habeynta CXD, oo ka socda dhammaan talisyada ciidamada, ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh, kuna dhisan nidaam casri ah oo la jaan-qaadi kara xaaladaha amniga ee dalka ka jira” ayey tiri Wasaaradda Gaashaandhigga.

Howlaha dib-u-habeynta waxaa horkacaya guddi farsamo oo ka kooban xubno ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga, Xafiiska Amniga Qaranka, Taliska CXD iyo Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya hirgelinta nidaamka cusub.

Masuuliyiinta qorshahan hoggaaminaya ayaa sheegay in tallaabadani ay ka hortagi doonto in ciidamo aan jirin lagu daro liisaska rasmiga ah, isla markaana hubin doonto in kaliya ciidankii dhabta ahaa lagu helo diiwaannada dowladda.

Waxaa la filayaa in qorshahan dib-u-habeynta ah uu door weyn ka qaato tayeynta ciidamada qaranka, iyadoo la dhisayo ciidan casri ah oo si buuxda uga jawaaba baahiyaha amniga ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed