Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta soo saartay liis cusub oo cunaqabateyn maaliyadeed lagu saaray shaqsiyaad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin baad, cabsi gelin iyo lacago xoog looga qaado shacabka Soomaaliyeed.
War ka soo baxay Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ay ku dooneyso inay ku wiiqdo ilaha dhaqaale ee kooxda Al-Shabaab iyo taageerayaasheeda.
Liiska cusub oo ah kii 3-aad ayaa waxaa ku jira Xuseen Cali Fiidow oo loo yaqaano “Xuseen Dayniile”, kaas oo dowladda ku tilmaamtay sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan, islamarkaana mas’uul ka ah istiraatiijiyadda siyaasadeed iyo maamulka wilaayaadka kooxda. Dowladda ayaa sheegtay inuu ku lug leeyahay hurinta colaadaha qabaa’ilka iyo dhaqdhaqaaqyo maaliyadeed oo lagu taageero kooxda.
Sidoo kale, liiska ayaa waxaa ku jira Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo loo yaqaano “Cabdullaahi Wadaad”, iyadoo dowladda ay sheegtay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka lala xiriirinayo taageerada kooxda Alshabaab. Dowladda ayaa sheegtay in shaqsiyaadkan lagu eedeeyay ururinta lacagaha, handadaad ganacsatada iyo falal kale oo la xiriira maalgelinta argagixisada sida ay hadalka u dhigtay.
Ugu dambeyn, Dowladda ayaa uga digtay hay’adaha maaliyadeed, shirkadaha ganacsiga iyo shacabka inay wax xiriir ama macaamil dhaqaale ah la yeeshaan shaqsiyaadka ku jira liiskaan, iyadoo sidoo kale shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo sugidda amniga dalka.
HBN ONLINE TV

