Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay is bedelka duqeymaha Ciidamdeeda Cirka iyo waxa ay ka bedeleen dagaallada socda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in faa’iidooyin badan laga dhaxlay ciidamada Cirka oo Hanti badan geliyey dhismahooda iyo tababarkooda, ka dib markii ay kaalin adag ka qaateen duqeymaha lagu lala beegsado kooxda Alshabaab, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in doorka weerarka Cirka ay ka soo baxeen Ciidamada Soomaalida oo kaashanaya saaxiibada ka gacansiiya weerarradaas isla markaana ay beegsadeen goobo ay joogeen Alshabaab oo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay.

“Hanti badan ayaa la geliyay Ciidanka Cirka, Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu yeeshay awood cireed oo si fiican u shaqeyso, Dowladda Sooamaliyeed wixii hanti ay heysay way gelisay, waxaa jira dowlado saaxiibadeen ah ayaa naga caawiyo, dhaqaaqa iyo socodka cadawga Soomaaliyeed ayaan uga faa’iideysanay awooddeenna Cirka” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Xubno katirsan Alshabaab oo dhaawac ah ayuu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gacanta ku dhigtay ka dib markii lagu beegsaday weerarro isugu jira cir iyo dhul ah oo sida uu hadalka u dhigay ciidamada Xoogga Dalka ay fuliyeen.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa heysta Diyaarado nooca qumaatiga u kaca ayaa ka qaybgalaya dagaallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Gobollada Dalka, marar kala duwan ayey duqeymo ka fuliyeen goobaha hore ee dagaalka.

HBNONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed