Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya oo la wareegtay 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii u dhexeeyay Somaliland iyo SSC-Khaatumo, ka dib socdaalkii Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dalbatay Xukuuamadda Somaliland siideynta Maxaabiista ay ku heysto xabsiyadeeda.
Wasaaraddu waxay ku amaantay tallaabada SSC-Khaatumo ee sii deynta maxaabiista, waxayna ugu baaqday Somaliland inay qaaddo talaabo la mid ah, si loo xoojiyo nabadda iyo wada noolaanshaha.
Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Somaliland in ay qaaddo tallaabo nabadeed iyo mid dib-u-heshiisiineed oo la mid ah tan SSC-Khaatumo, ayna muhiim tahay in ay xoriyadooda u celiyaan maxaabiista ay ka hayaan SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri warka.
Sidoo kale Wasaaraddu waxay tilmaamay inay albaabka u furi karto in la xoojiyo nabadda, wada noolaanshaha iyo soo afjaridda colaadda dhexmartay dadka, go’aankan dhanka Somaliland laga hirgaliyo.
HBN ONLINE TV