Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga falcelisay weerarkii Israa’iil toddobaadkii hore ku qaaday dalka Qatar, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka uu si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay Dooxa.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si cad loo cambaareeyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah, isagoo yiri “Aamusnaanta laga qaato xadgudubyadan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah waxay yeelan doontaa cawaaqib halis ah.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray “Waxaan si adag u garab taaganahay Qatar ee ilaalinta amniga iyo madaxbannaanideeda. Waxaan ku baaqaynaa Golaha Ammaanka inuu fuliyo waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, isla markaana uu joojiyo gardarrada Israa’iil.”
Sidoo kale, shirka ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaal si gaar ah isha loogu hayey oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, kuwaas oo si adag u sheegay in waxa ka socda gudaha Israa’iil ay ka tarjumayaan “maskax hunguri iyo dhiig-miirad ah.”
Labada madaxweyne ayaa ku baaqay in dalalka Muslimiinta iyo caalamkuba inay raadiyaan waddooyin ay ku hor istaagaan weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Qatar, iyadoo Madaxweynaha Iran uu caddeeyay in weerarka Israa’iil uusan ahayn mid si kedis ah u dhacay, balse uu qayb ka yahay siyaasadda ciidamada Israa’iil iyo xasaanadda ay muddo dheer ku dhaqmayeen.
Dalalka maanta shiray oo ka kooban 57 dal ayaa badi hadaladoodu ku soo idlaadeen cambaareeyn dhacdadan ah oo si cad ay uga soo horjeesteen wixii ka dhacay magaalada Dooxa.
HBN ONLINE TV