Soomaaliya ayaa muujinaysay walaac xooggan oo ay ka qabto weerarradii dhawaan ka dhacay Suudaan ee lagu qaaday kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee magaalooyinka Kasala iyo Boorto Suudaan, kuwaas oo ay ku tilmaantay foolxumo hor leh oo ka dhan ah mabaadi’da caalamiga ah, una horseedi kara khatarta xasillooni-darro guud ahaan gobolka.
Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) waxay si cad u muujinaysay go’aankeeda buuxa ee ku aaddan weerarada lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaasi, waxayna xoojisay baahida loo qabo in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah iyo adeegyada aasaasiga u ah shacabka reer Suudaan.
Sidoo kale, DFS waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo dowladaha gobolka in ay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo helo xal nabadeed oo dhammaystiran, loogana gudbo colaadda, iyada oo la adeegsanayo wada-hadal furan oo nabadeed oo danta shacabka iyo xasilloonida gobolka lagu hagayo.
Horaantii sanadkan, Soomaaliya Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado qorshe lagu wadahadashiinayo dhinacyada ku dagalaamaya dalka Suudaan, inkasta oo aanay tilmaamin xiliga uu dhacayo.
HBN ONLINE TV