Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka laga dhigay shuruud rasmi ah oo looga baahan yahay muwaadiniinta doonaya inay helaan Baasaboorka dalka.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay kulan muhiim ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka NIRA, iyadoo kulankaasi uu guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Sida laga soo xigtay warbixinta kulanka waxaa la isla qaatay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, aysan suuragal noqon doonin in qof helo baasaboorka Soomaaliya haddii uusan hore u qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo xogta dhabta ah ee muwaadinka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ku mideyneyso xogaha muwaadiniinta, loogana hortagayo been-abuurka iyo ka faa’iideysiga khaldan ee dukumentiyada muhimka ah sida baasaboorka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, socdaalka gudaha dalka uu si buuxda ugu xirnaado isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo aqoonsiga saxda ah ee muwaadiniinta dalka gudihiisa u kala socda.
Mas’uuliyiinta labada hay’adood ayaa tilmaamay in dadaalladan ay yihiin kuwo lagu tayeynayo adeegyada dowladda, laguna dhisayo kalsoonida muwaadinka ee hay’adaha rasmiga ah.
Soomaaliya ayaa muujisay sare u kac xagga liiska ah marka la barbar dhigo sanadkii 2024-kii oo ay ku jirtay kaalinta 106-aad ee liiska la soo saaray. Afar dal oo ay ka mid yihiin Suuriya, Afganistan, Yemen iyo Ciraq ayaa liiska ka hooseeya Soomaaliya.
Soomaaliya oo dal ahaan soo kabanaysa kuna biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa sanadkan kaga jirta liiska ay soo saartay Henley Passport Index — kaalinta 96-aad, iyadoo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ay awood u leeyihiin inay booqdaan fiiso la’aan ama ka qaataan garoomada dalalkaas 32 dal.
HBN ONLINE TV