Dowladda Soomaaliya oo sheegtay xilliga ay baxayaan ciidamada Itoobiya isla markaa shaaca ka qaaday ciidamada beddelo doona ATMIS

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya ay dhamaman ka bixi doonaan Soomaaliya dhammaadka sanadkan 2024, sida uu u sheegay warbaahinta.

“Dhammaan ciidamada Itoobiya waxaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka December 2024-ka”ayuu yiri, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyaga oo qayb ka ah qorshaha ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu wado inay faarujiyaan dalka dabayaaqada sanadkaan.

Xuseen ayaa  carabka ku dhuftay in ciidamada Itoobiya ee Midawga Afrika aysan kamid ahaan doonin kuwa joogi doono Soomaaliya, isla markaana  markii uu dhamaado waqtigooda bisha December,“Ciidamada Itoobiya kama mid ahaan doonaan ciidamada AU-da ee ka howlgali doona dalka marka howlgalka ATMIS-ka uu dhamaado bisha December,” ayuu yiri Macallin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay wada xaajood kula jirto saaxiibada caalamka si loo dhiso ciidamo caalami ah oo ka howlgala dalka muddo hal sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025. Ciidankan ka dambeeya ATMIS-ka ayaa waxaa ka mid noqon doona ciidamo ka kala socda Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Burundi.

Bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa ka dhigan isbedel weyn oo dhanka ammaanka ah ee Soomaaliya, iyadoo kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ay qeyb ka ahaayeen howlgalka ATMIS-ka, howlgalkaan oo ah mid dhinacyo badan leh oo uu fasaxay Midowga Afrika, waxaana u xilsaaran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika Nabadda.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn u xumaaday, gaar ahaan ka dib markii ay heshiis is-afgarad ah ay la gaareen Somaliland January 1, 2024. Taasoo keentay in safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare laga ceyriyo dalka bishii Abriil, amarna lagu xiray xafiisyada qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa iyo caasimadda Puntland ee Garoowe.

Bixitaanka ciidamada Itoobiya ee lagu guuleystay iyo dhismaha ciidamo cusub oo caalami ah ayaa ah tillaabooyin muhiim u ah Soomaaliya oo dooneysa inay ilaaliso oo ay xoojiso madax banaanideeda iyo kaabayaasha amniga sanadaha soo socda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed