Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday dalka ay soo gabagabowday, kaasi oo ku dhawaad shan bilood howlo baaris u jooga Soomaaliya.
Wasiirka Shidaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in boqolkiiba 70% la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya oo ah markii ugu horeysay oo dalka laga sahminayo. Goobaha hadda baarista ka socoto ayuu ku sheegay Xarardheere iyo Mareeg, isaga oo socon doona ilaa Koonfurta gobolka Mudug.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in xogta hordhaca ay sheegayso in Soomaaliya noqo karto mastaqbalka dhow dal helay Shidaal. Waxaa uu carrababaay in howlaha baarista shidaalka laga fogeeyey aagaga laga kalluumeysto si aanay saameyn ugu yeelan jalaabatada. Baaristu waxaa la filaa in la soo gaba-gabeeyo bisha inagu soo aadan ee Abriil ama bisha 4-aad ee sanadkan 2025 sida uu sheegay wasiir Daahir.
Qodista Shidaalka ayaa la filayaa in la bilaabo dhamaadkan sanadkan ilaa horaanta sanadka soo socda ee 2026, iyada oo Markab soo saari doona uu joogo badda Madow, isaga oo dalka ku imaan doona sida uu wasiirku sheegay 45 cisho.
Dhanka kale Wasiir Daahir Shire oo ka warbixiyey dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta oo lala galay dalka Azerbaijan ayaa tilmamaay in uu ku qodomay is dhaafsiga dhanka cilmi baarista ah iyo tababaro.
HBN ONLINE TV