Dowladda Soomaaliya oo sheegtay sababta Itoobiya loogu soo daray howlgalka AUSSOM oo Burundi laga waayey

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dalal laga saaray iyo kuwo lagu soo daray howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa shaacisay sababta loogu ogolaaday ciidamadda itoobiya inay ka sii mid ahadaan, ka dib markii dhawaan ay lagu dhaawaqay in si rasmi ah kaga mid noqon doonto howlgalka oo hoos imaan doono Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud oo ka warbixiyey qorshaha howlgalka AUSSOM ayaa carrabaabay in lagu soo koobay 5 dal, iyaga oo dhamaantoodna ay wax walba uga dambeyn doonaan Soomaaliya. Howlgalka waxaa si toos ah uga hartay dowaldda Burundi, ka dib markii ay ka soo muuqan wayday shaxda dalalka ku jira.

Waxaa uu hoosta ka xaqiiyay in Itoobiya sababta loogu celshay howlgalka inay tahay mowqifkeedii ku aadanaa heshiiskii Ankara oo ay ku caday in ay ilaalin doonto gobonimada iyo madaxbaaninada Soomaaliya.

Sidoo kale, Xuseen Macalin ayaa tilmaamay in Uganda, Kenya, Itoobiya Jabuuti iyo Masar ay ahaan doonaan shanta dal ku howlgali doonta magaca AUSSOM oo dowladda Soomaaliya ku kor joogteynta doonto goobaha ay joogaan ee dalka.

Horaantii Todobaadkaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in Itoobiya lagu daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, ka dib markii xal laga gaaray khilaaf adag dowladaha u dhexeeye. Heshiiskaan wuxuu sidoo kale xoojinayaa in Itoobiya ay ixtiraami doonto madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed