Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay xubin Alshabaab ugu magacownaa Hirshabeelle

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal si gaar ah loo qorsheeyay ay ka fulisay gobolka Hiiraan lagu dilay xubin sare oo ahaa sida hadalka loo dhigay horjooge madaxii amniyaadka kooxda Alshabaab ee Hirshabeelle.

Xuseen Cabdullaahi Dalab oo magaciisa afgarashada lagu sheegay “Caamir” ayaa NISA sheegtay in kooxda uu u qaabilsanaa deegaanada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, waxaana howlgalkaan la fuliyey saaxiibada caalamiga ah.

Ha’yadda ayaa tilmaamay in dilkaan uu ku soo aday kadib markii ay bilowdeen bilihii la soo dhaafay howlgallada gaarka ah ee xubnaha kooxda lagu beegsanayo, iyada oo dhamadka bishii hore ay Sirdoonku sheegeen in gobolka Hiiraan lagu dilay deegaanka Xaawo Gadiid ee dhowr horjooge.

NISA ayaa baahisay xogta duqeymo lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood ka tirsanaa kooxda Alshabaab iyo Maleeshiyaad ilaalo u ahaa oo ka dhacday gobolka Hiiraan, 25-ka bishii hore ee August .

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed