Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay madaxii Amniyaadka Alshabab ee Hirshabeelle iyo ku dhawaad 10 kale

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal si gaar ah loo qorsheeyay ay ka fulisay gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay xubin sare oo ahaa sida hadalka loo dhigay horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa: Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Alshabaab ugu magacownaa waxa loogu yeero Amniyaadka Hirshabeelle, Horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda iyo labo horjooge, kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif oo aan wax xog ah laga bixin.

NISA ayaa tilmaantay Ciidamada si gaar ah u beegsadeen xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyaga oo si buuxda u soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhawaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda.

Hay’adda ayaa carrabowday in dilkaasi uu ku soo aaday kadib markii ay bilowdeen bilihii la soo dhaafay howlgallada gaarka ah ee xubnaha kooxda lagu beegsanayo, iyadoo dhamadka bishii hore ay Sirdoonku sheegeen in gobolka Hiiraan lagu dilay dhowr horjooge deegaanka Xaawo Gadiid 25-kii bishii August.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed