Lataliyaha Amniga qaranka ee madaxwaynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sheegay in cunaqabatayntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya ay gaar siisay guulo ay ka mid yihiin in cunaqabateyn guddaha iyo dibadda la saaro kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee dagaalka ku jira sida Alshabaab iyo Daacish.
Xuseen Macalin ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay dajiyeen qorshayaal ay ugu horeeyaan laba qorshe oo ka hortagaya xakamaynta hubka, Mid ka mid ah labada qorshe ayaa ah in Dowldda Soomaliya ay keensa karto nuuc kasta oo hub ah ayna gali karto heshiisyo caalami ah.
Lataliyaha amniga qaranka ayaa sheehay in tan iyo xiligaas ay hoos u dhacday hubka ay heli jireen kooxaha ka dagalamaya Soomaliya ee Alshabaab iyo Daacish. Arintaas oo uu ku sheegay inay tahay fursad ay dowladdu ku wiiqayso awooda kooxahaas.
Horay golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meelmariyey sharciga xakameynta hubka, iyaga oo mamnuucay in gudaha dalka lagu iibiyo hubka nuuckasta oo uu yahay.
HBN ONLINE TV