Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 70 Alshabaab ku dishay howlgal ka dhacay Mudug

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saartay howlgal ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Qaycad ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegtay in ku dhawaad 70 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ah lagu dilay oo ka tirsan Kooxda Alshabaab

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ilaa 30 ka tirsan Alshabaab lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Waxaa ay tilmaantay in howlgalkan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, ka dib markii la helay xogtooda.

Laba horjooge oo magacyadooda ay ku kala sheegtay dowladdu Maxamed Bashiir Muuse (Mukhtaar) oo ahaa madaxa jabhadaha iyo Maadey Foodey oo isna ahaa xubin muhiim ahaa ayaa lagu carrabaabay in lagu dilay howlagalka, halka In ka badan 40 Alshabaab ah oo dhaawacyo soo gaareen la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin sida hadalka u dhigtay meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Dowladda oo guulo ka sheegatay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen Koonfurta Gobalka Mudug ayey tilmaantay in lagu bur-buriyay sida hadalka ay u dhigtay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Alshabaab isku qarinayeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed