War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Qaycad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in lagu dilay ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, ka dib markii hawlgal ciidammada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya dagaalyahannada dadka deegaanka ay ka sameeyaan halkaasi.
War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ay beegsadeen fariisimo ay maleeshiyaad Alshabaab ah ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu sida hadalka loo dhigay ay cagta mariyeen.
Sida oo kale Hawlgalkaan oo dhacay abaaro salaaddii subaxa ka dib ayey sheegtay dowladdu in dhammaan goobihii la beegsaday ay si buuxda ula wareegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in iyada oo kaashanaysa shacabkeeda ay laba jibaartay hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab, waxaana kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah waddanka ay guulo kaga sheegatay in ay si wayn uga adkaatay Alshabaab.
HBN ONLINE TV

