Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgallo ka dhacay afar gobol lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo Alshabaab ah

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in howlgallo isugu jiray duqeymo iyo weerarro qorsheysan oo laga fuliyay afar gobol oo Koonfurta dalka ah lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

Howlgaladaan oo ay fuiyeen sida wasaraddu sheegtay Cidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa waxaa ku jiray 6 duqeyn oo lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee Baay, iyo Qumbi ee Jubbada Hoose.

Bayaanka la soo saaray ayaa lagu sheegtay in bartilmaameedyada la weeraray ay ahaayeen goobo muhiim u ahaa kooxda, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay sida hadalka loo dhigay kormeer joogto ah, kaddib dhaqdhaqaaqyo laga arkay deegaannadaasi.

Sida lagu sheegay warbixinta waxaa lagu yiri “Duqeymahan ayaa sababay dhimashada 54 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale si guul leh loo beegsaday keyd sahay, iyada oo si weyn loo wiiqay awooddooda dhinaca sahayda, isku socodka iyo abaabulka weerarro ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed”.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee dowladda iyo saaxiibbadeeda caalamka ay ku burburinayaan awoodda howlgal ee Alshabaab, isla markaana looga hortagayo in kooxdaasi ay u adeegsato deegaannadaasi sida la tilmaamay qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed