Wasiirka Wasaaradda Awqaafta XFS Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Ganacsatada faray in aanay lacag siin karin Alshabaab, isaga oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay in ay ka jawaabto haddii ay u gudbiyaan Dadka lacagahaas weydiinaya.
Roobow ayaa sheegay in Ganacsadaha lacagta bixinaya aanay cudur daar u noqon Karin in uu cabsi awgeed u bixiyay lacagtaas, waxa uu soo jeediyay in wixii macluumaad ah ay la wadaagaan Wasaaradda amniga & Hay’adaha ammaanka qaabilsan.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed horay uga fadwoodeen in aanay lacag la siin Karin dhinacyada hubeysan ee Dowladda ka soo horjeeda wax dhaqaale ah, iyadoo ciddii lagu arkana uu shaaciyay sida uu hadalka u dhigay in lala xisaabtami doonno .
“Dadka jooga meelaha Dowladda ka taliso oo Bakaaraha ka mid yahay cudur daar uma heli karaan in ay dhahaan xoog ayaa lacag naloga qaaday” ayuu yiri Sheekh Muqtaar Roobow.
Kooxaha Alshabaab iyo Daacish ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay dagaal adag kula jirto, sidoo kale Xukuumadda Dan-Qaran ay tilmaamtay in ay dabagal ku heyso Dadka lacagaha u haya, kuwa maalgelinta u sameeya iyo Dadka Lacagaha dhaqa.
HBN ONLINE TV