Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo maanta tababar u soo xirtay cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka oo tababar sare ku qaatay Kulliyadda Tababarrada Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in lagu dari doono, qeybna weyn ka qaadan doonaan ciidanka furinta hore ku jira ee dagaalka adag kula jira kooxda Alshabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay talisyada Ciidanka Xoogga Dalka dadaallada joogtada ah ee ay ku horumarinayaan awoodda, xirfadda iyo tayada ciidanka, si ay u noqdaan kuwo u diyaarsan difaaca dalka iyo sugidda amniga. Wuxuu wasiirku sheegay in Soomaaliya ay isku soo bahaysteen cadow gudaha iyo dibadda ka yimid.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ciidanka qalin-jabiyay faray inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dalka, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Intii ay munaasabadda socotay, ciidamada ayaa soo bandhigay xirfado ciidan oo ay barteen muddadii tababarka, waxaana munaasabadda ka qayb galay saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha TURKSOM, Safiirka Turkiga, iyo mas’uuliyiin kale oo ciidan iyo marti sharaf ah.
HBN ONLINE TV

