Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo ay ka dambeeyeen Alshabaab

Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in weerar aroornimadii saakay fashiliyeen, kaas oo sida hadalka loo dhigay ay kooxda Alshabaab ku qaadday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in ciidamada xooggu ay si degdeg ah uga hortageen weerarka, isla markaana ay kooxda weerarka soo qaaday gaarsiiyeen, sida lagu dooday, khasaare isugu jira naf iyo maal.

“Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo iyo feejignaan leh uga hortagay weerarkaasi, iyagoo gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maal. Khawaarijta ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyagoo u firxaday si fulaynimo ah, halka ay ciidamada amniga weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, kaas oo sidoo kale bogaadin loogu diray ciidamada ka qeyb qaatay difaaca.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadii Alshabaab laga saray gudaha magaalada iyo daafaheeda, iyadoo ciidamada ammaanku ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray kooxda, oo ay ula jeedaan ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli maamulkii hore ee madaxweyne Laftagareen uu sheegtay masuuliyadda weerarkii saaka ka dhacay Baydhabo, isaga oo ku faanay inay fuliyeen wax lagu tilmaamay “howlgal ka qeyb ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga”, inkasta oo aanay si buuxda gacanta ugu hayn maamulka Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed