Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Alshabaab ka dambeysay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa caawa sheegtay in kooxda Alshabaab ay ka dambeysay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, marxuum Gaashaanle Sare Yoonis Aadan Xasan iyo taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, marxuum Gaashaanle Cali Caddow Maxamed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida saraakiishaasi iyo askartii kale ee ku dhimatay howlgalka. Waxa uu sheegay in saraakiishan ay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isaga oo ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha ha u naxriistee taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yoonis Aadan Xasan iyo taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cali Caddow Maxamed iyo sidoo kale geesiyaashii kale ee ku geeriyooday howlgal lagula dagaalamayey Khawaariijta oo ka dhacay duleydka Magaalada Baydhabo” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u culus, islamarkaana uu jiro khasaare kale oo gaaray ciidamada dowladda iyo gaadiid dagaal oo lagu gubay goobta. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo bannaanka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay gaareen ciidamo gurmad ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli Baydhabo lagu qabtay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkastoo mas’uuliyadda weerarka ay sheegteen masuuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed