Duqeymo xooggan oo saacadihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ka fulisay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kooxda Alshabaab ka soo gaaray.
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu faahfaahiyey duqeymo lala dhacay fariisimo iyo goobo keyd, tashkiil iyo deegaan u ahaa la sheegay in lagu dilay 120 xubnood, sida bayaan wakaallada afka dowladda ku hadasha ee Sonna soo tabisay.
“Wararka hordhaca ah ee ay Warbaahinta Qaranka ka heshay khasaaraha guud ee duqeymaha degmada Jilib ku gaaray maleeshiyadaadka Khawaarijta waa dhimashada 20 meeyo horjoogayaal sar sare, dhexe iyo maleeshiyaad 100 gaaraya oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, waana duqeymihii ugu ballaarnaa ee gudaha degmada Jilib laga fuliyo mudooyinkaan” ayaa lagu yiri warka DFS.
Duqeymaha kuwa ugu horeeya ayaa la tilmaamay in lala bartilmaameedsaday xaruntii maamulkii degmada Jilib oo hada ah fariisinka ugu weyn ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Jubbooyinka, taasi oo xiliga ay dhacday ay horjoogayaal ka tirsan kooxda halkaasi ku shirsanaayeen, kana dhasheen sida warka loo dhigay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimashada iyo dhaawaca horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad kale.
Sidoo kale, Duqeynta labaad waxay ka dhacday xarun weyn oo isugu jirtay sida warka loo yiri “xarun tababar Maleeshiyaad iyo meel ay ku marin habaabiyaan carruurta, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday goob ay deegaan ahaan u degenaayeen horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsan marin habaabinta iyo luminta carruurta, ayadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta”.
Goobaha duqeymaha lagu burburiyey ayaa waxaa laga xusay Xarun Karuur lagu magacaabo oo ah keyd weyn Alshabaab ku keydsan jireen saadka dagaalka, taasi oo guud ahaanba bas-beeshay.
“Duqeymo dhowr ah oo lala eegtay guryo ay deganaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo uu ka dhashay khasaare lexaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed” ayaa lagu yiri markale warka Sonna.
Duqeymo tiro beel ah oo la sheegay in lala eegtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo nuucoodu ahaa markii ugu horeysay ayaa dowladda Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ka fulisay degmada, iyada oo kaa shaneysa diyaaraha Maraykanka ee AFRICOM.
HBN ONLINE TV