Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada xubnaha ka soo goosayana Al shabaab in ay sii kordheen xilli ku dhawaad 10 maanta is dhiibeen

8-Xubnood oo ka soo goostay kooxda Al shaabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kooxdaan ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee dalka ka socda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay Shabaab ay ka soo goostewn  25 dagaal yahan ee ka tirsanaa kooxda,  kuwaas oo ka yimid deegaanno kala duwan.

“Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed” ayey lagu yiri qoraalka.

Si kasataba, taniyo markii dalka ay ka bilaawdeen howlgallada ka dhanka ah kooxda waxaa isa soo tarayay hoggaamiyasha iyo xubnaha Al shabaab ee isku soo dhiibaayay ciidamada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed