Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa galabta si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025. Munaasabadda natiijada ayaa sanadkan lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, taasoo ah markii ugu horreysay ee natiijada rasmiga ah looga dhawaaqo meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Tirakoobka guud ee imtixaanka sanadkan ayaa muujinaya in ardayda u fariisatay ay ahaayeen 38,471, kuwaas oo 32,714 ka mid ah ay guuleysteen, halka 5,757 ay ku hadheen.

Seddexda Ardayda ee ugu sarreysa dalka ayaa kala ahaa:
Caa’isha Aadan Ugaas Xirsi – Dugsiga SOS, gobolka Banaadir 1-aad.
Khaalida Cabdinuur Xuseen – Kismaayo, Jubbaland 2-aad.
Faysal Maxamed Ibraahim – Dugsiga Rainbow, Koonfur Galbeed 3-aad.

Sidoo kale, Kala sarreynta gobollada Ardayda gudubtay waxaa ay kala tahay:
Kaalinta 1-aad: Hirshabeelle iyo Jubbaland 93%, waxaana haray 7%
Kaalinta 2-aad: Galmudug iyo Koonfur Galbeed (92%, waxaana haray 8%
Kaalinta 3-aad: Gobolka Banaadir 81%, waxaana haray 19%
Booska ugu hooseeya waa Waqooyi Bari oo 74%, waxaana haray 26%

Dhibaatada iyo falalka lagu qabtay imtixaanka: Arday qaladaadka lagu qabtay waxay ahaayeen 38, kuwaas oo kala ahaa, 24 arday oo imtixaanka loo galay iyaga oo qish ku jiray, 2 arday oo faafiyey su’aalaha Imtixaanka iyo 12 kale oo gacan-qaad lagu qabtay, waxaana la tilmaamay in la baabi’iyey imtixaankii 4 arday, qaarne xabsi lag xukumay.

Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ardayda ku guuleystay ku bogaadiyey dadaalkooda, isagoo ku booriyey inay si xooggan uga sii shaqeeyaan heerarka waxbarasho ee sare, si ay u noqdaan hormuudka aqoonta dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed