Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in la jabsaday qaybo ka mid ah xogta nidaamka E-Visa, arrin maalmahan buuq iyo muran badan dhaliyay. Hay’addu waxay sheegtay in xadgudubka laga war helay, kadib markii la sameeyay baaritaanno amni oo ku saabsan nidaamka socdaalka dijitaalka ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaabooyin degdeg ah loo qaaday sidii loo xakameyn lahaa falka jabsiga loogana hortagi lahaa inuu dhibaato weyn gaarsiiyo adeegyada socdaalka. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda magacaawday guddi baaritaan oo heer qaran ah, kuwaas oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo sameeya baaris xirfadaysan, iyo hay’adaha ku shaqada leh ilaalinta xogaha dowladda.
Hay’addu waxay bulshada u xaqiijisay in natiijooyinka baaritaanka lagu soo bandhigi doono si waafi ah marka uu dhamaado, isla markaana dadka ay arrintu khusayso si toos ah loo ogeysiin doono wixii saameyn ah ee laga yaabo inuu ka dhasho. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in lagu kalsoonaado oo keliya wararka rasmiga ah ee kasoo baxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, lagana digtoonaado macluumaadka marin-habaabinta ah.
Ugu dambeyn, hay’addu waxay xaqiijisay in ay xoojin doonto nidaamyadeeda amni ee dhijitaalka ah, gaar ahaan heerarka cusub ee ilaalinta xogta iyo sugidda aqoonsiyada, si loo ilaaliyo adeegyada muhiimka ah ee ay shacabka u qabato.
Bayaankan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo todobaadkii hore ay soo baxday xogla xariirta la jabsaday adeegyada E-visa Soomaaliya, kaasi oo khilaaf adag ka dhex dhaliyey dowladda dhexe iyo Somaliland iyo Puntland oo dhinac ah. Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sheegay in adeegaan uu yahay “Karaamada & midnimada” dad Soomaaliyeed haystaan, ayna dhaawaici karin sida hadalka loo dhigay dad gaar ah.
HBN ONLINE TV

